7 burcad badeed ah oo la qabtay
War ka soo baxay xarunta Midawga Yurub ee Brussels ayaa waxaa lagu sheegay in tirada kooxda la qabtay oo gaaraysa 7 ruux ay wateen doon nooca dheereeya iyo hub iskugu jira gantaalaha garbaha laga rido iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.
howl gal midowga yurub ay ka wadaan xeebaha somalia ayay ku so qabteen koox ay ku sheegeen inay yihin burcad badeeed somaliyeeeeeed
Warku waxaa uu sheegayaa in markabka dagaalka ee la yiraahdo ITS San Giusto oo illaalo ka haya xeebaha Soomaaliya uu kooxda burcad badeednimada lagu eedeynayo uu ka qabtay xilli ay marayeen meel qiyaastii 300 oo mile dhanka bari u jirta jaziiradda Soqodra ee dawlada Yemen maamusho.
Adm. Duncan Potts oo ah sarkaalka hogaaminaya ciidamada badda ee dhalinyaradaan Soomaalida ka qabtay xeebaha Soomaaliya u sheegay warbaahinta in hawlgalkaan ay ka qeyb qaateen 2 diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah waxaana uu intaa ku daray inay maaganayeen inay qafaashaan markab siday shidaal oo halkaasi marayay.
Burcad badeeda Soomaaliyeed oo ku andacoota inay biyaha Soomaaliyeed ka illaaliyaan maraakiibta iyo doonyasha shisheeye ee sida sida sharci darrada ah uga kaluumaysta biyaha Soomaaliya ayaa qafaasha gaadiid badeedka soo gala biyaha Soomaaliya.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


