AC MILAN OO DOONAYSA GUARDIOLA

ac milan ayaa doonaysa inay gacanta ku dhigto macalinkii hore ee kooxda barcelona ee pep Guardiola.

 

Madaxweynaha Milan Silvio Berlusconi ayaa doonaya inuu isbedel weyn ku sameeyo gabi ahaanba kooxda Rossoneri, waxaana uu aaminsan yahay in Guardiola uu yahay ninka ugu fiican ee bedeli kara tababaraha haatan Massimilliano Allegri.

Kooxda reer Italy ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo tababaraha reer Spain isbuucyada soo socda, sababtoo ah waxa ay ka warqabaan in Guardiola ay wada ceyrsanayaan kooxo badan.

Guardiola ayaa doonayay inuu sannad ka nasto kubada cagta ka dib markii uu ka tagay Barcelona, Milan ayaase dooneynin inay koox kale uga hormarto.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO