AC Milan oo u dalab u gudbisay Pep Guardiola

Kooxda AC Milan ayaa waxaa ay u gudbisey dalab afar sano ah oo dhan €25m inuu tababar u noqdo kooxda xilliga adag hadda ku jirta tababarihii hore ee Barcelona Per Guardiola sida ay daabacday La Repubblica.

Tababarahan reer Spain ayaa waxaa si weyn loola xiriiriyay Rossoneri iyadoo tababare Massimiliano Allegri ay xaaladiisa halis ku jirta.

Macalinkii hore ee Barcelona ayaa waxa uu hadda ku nool yahay dalka Maraykanka isagoo ka qaatay fasax iskiis ah ciyaaraha kubbada cagta waxaana la rajaynayaa in uu dib ugu soo laabto xilli ciyaareedka 2013-2014.

Kooxda San Siro ayaa sida ay saxaafada cadeeyeen waxa ay u bandhigeen Guardiola heshiis afar sano ah oo qiimihiisu ku kacayo lacag dhan  €6m si ay kooxda u tijaabiso sidii ay dib ugu soo laaban lahayd heerkii ay hore ugaga jirtey ciyaaraha.

Waxaana dhici karta inuu kaaliye u noqdo Guardiola ruugcadaagii hore ee Paolo Maldini garoonka Stadio Giuseppe Meazza.

Sidoo kale wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa waxa uu la xiriiriyey Guardiola AC Milan balse waxa uu wargeyska xusay in ay dhici karto in tababarihii hore ee AC Milan uu dalbado in maalgelin badan lagu sameeyo kooxda ayna ciyaaryahano cusub keenaan.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO