Ahlu Sunna oo odayaal ku xirtay galgaduud
Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee ka taliya gobolka galgaduuud ayaa xabsiga dhigay saddex oday dhaqameed oo ka mid ah kuwo gobollada dhexe, waxaana ka mid ahaa odayaasha la xiray guddoomiyihii odayaasha dhaqanka ee degmooyinka Guriceel, Dhuusamarreeb iyo Matabaan Cilmi Xirsi Carab.
Odayaasha la xiray ayaa loo haystaa in ay soo qaban waayeen dad lagu eedeeyay dilal ka dhacay dhowaan deegaanka Mareergur ee hoos yimaada Dhuusamarreeb.
Oday dhaqameedyada la xiray waxaa kaloo ka mid ahaa, nabadoon Ciise Maxamud Maxamed iyo nabadoon Cilmi Dhalaweyne iyo sidoo kale Aabaha dhalay wiil lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilkii ka dhacay Mareergur. bishii hore ee lagu dilay nin ganacsade ahaa 


