Ajax Oo U Awood Sheegatay Kooxda Manchester City
kooxda Manchester City ayaa lagu soo jiiday Amsderdam ka dib markii guuldarro 3-1 ah ay ka soo gaartay kooxda Ajax oo ay marti u ahaayeen kulanka seddexaad ee wareega group-yada.
Kooxda heysata horyaalka Premier League Manchester City ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 22aad, markii Micah Richard uu quudiyay Milner, kaasoo isna kubad u sii dhigay Samir Nasri, ciyaaryahanka Faransiiska ayaana si haboon u dhameystiray oo shabaqa ku hubsaday.
Samir Nasri oo goolkaas uu u ahaa goolkii ugu horeeyay Champions League ee uu u dhaliyo kooxda Manchester City, laakiin waa goolkiisii 6aad ee uu ka dhaliyo koobka Champions League.
Laakiin hogaanka Manchester City ayaan waarin ka dib markii Ajax ay heshay goolkii barbaraha daqiiqadii ugu danbeysay ee qeybtii hore ee ciyaarta, De Jong ayaana u barbareeyay ka dib karoos ka yimid Van Rhijn.
Qeybtii labaad ayaa xaalka uu ku sii xumaaday Man City ka dib markii Ajax ay qabatay hogaanka ciyaarta markii ugu horeysay ka dib gool uu u dhaliyay Moisander daqiiqadii 57aad.
City ayaa rajadeedii ciyaarta ay noqotay mid ciil biyo leh ku dhacday markii Ajax ay heshay goolkii 3aad ee ciyaarta daqiiqadii 68aad iyadoo goolkaas uu u saxiixay ciyaaryahanka da’da yar ee reer Denmark Eriksen.
Ajax ayaana ku badisay 3-1, iyagoona gaaray guushii ugu horeysay ee Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay leeyihiin 3 dhibcood, halka City ay u dhacday halka ugu hooseysa group-ka iyagoo leh hal dhibic kaliya ka dib seddex kulan oo la ciyaaray.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


