Al-shabaab Oo Sheegatay Inay ciidamada Dowlada Iyo Kuwa AIMISOM Gaarsiyeen Khasaaro Baahsan
Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab ayaa warbixin kooban ka bixiyay dagaal maalmahan ka dhacaye Gobalka Shabeelaha Hoose deegaano ka tirsan.
Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay laga soo bilaabo talaadadii aynu soo dhaafnay ilaa shalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan.
Wuxuu sheegay inay dileen ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,isaga oo sheegay inay dileen 27-askari oo 18-kamid ah ay yihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha halka inta kalena ay yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Isaga oo hadalka sii wata Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab wuxuu sheegay inay gubeen gaari uu ku sheegay beebe ay saarnaayen saraakiil cadaan ah oo dagaalka hogaaminaye sida uu sheegay.
Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhamaan marka la isku soo uruuriyo khasaaraha dhaawac ee ka dhashay dagaaladaasi ay gaarayaan ilaa 45-ciidamada AMISOM ah oo ku dhaawacmay weerarada qorsheysan.
Kasokoow sheegashada Ururka Al-Shabaab ayaan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaysa khasaaraha ka dhashay dagaalada maalmahan ka dhacaye deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


