Alshabaab Oo Gabar Dhagax Ku dilay

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa  fagaare ku yaal degmada Jamaame ee Jubada Hoose qof dumar ah kula fuliyay Xukun Rajmin ama dhagax ku dilid, kadib markii ay xukuntay Maxkamada degmadaas.

Qaadiga Maxkamada ayaa sheegay in gabadhan ay sameysay gogol dhaad, iyadoo uu nin qabo, iyadoo fagaaraha lagula fuliyay xukunka Rajminta ninkii la galay gogol dhaafka ama Zinada, kaasoo 100-garbaash lagu dhiftay.

Waxaa uu sheegay Qaadiga Maxkamada in Haweeneyda ay qiratay dambigeeda iyo cadeymo la horkeenay Maxkamada, kadib markii baaritaan dheer la sameeyay kadib, laguna xaqiijiyay dambiga ay galeen ee ahaa gogol dhaafka.

Fagaaraha uu xukunkan ka dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan oo saaka Cod baahiyeyaal lagu soo bixiyay, waxaana la hadlay Sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jamaame oo u sheegay in Gabadhan laga oofiyay xuduudii Alle.

Sarkaalka ayaa sheegay in xukunkan uu muujinayo sida deegaanada ay ka arimiyaan looga oogay shareecada Islaamka, isagoo xusay in qof walba oo dambi gasha lagu xukminayo waxa ay Shareecada Islaamka ay ka qabto.

Xukunkan Rajmintan ayaan aheyn kii u horeeyay, hase ahaatee waxaa horay loo xusuustaa in sanadkii 2008-dii gabar da’yar ah magaalada Kismaayo meel fagaare ah sidan oo kale dhagax lagu dilay, markii lagu soo eedeeyay inay gogol dhaaf sameysay, iyadoo guur soo martay, inkastoo waalidiinteeda ay saluugeen habka xukunka u dhacay.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab ay xukuno ceynkan oo kale ah ama kuwa kaleba ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, waxaana xilligan Al-Shabaab culeysyo milateri ka soo fuulay dhinacyo badan, markii ay lumiyeen deegaano badan.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO