Alshabaab oo weli ku adkeysanysa inay si wadayan dagaalka
Xilli Ururka Al-Shabaab lagala wareegay deegaano badan oo ku yaalo Gobalada dalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay Al-Shabaab kusii adkeeysanayaan inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Wuxuu sheegay in ilaa ciidamada AMISOM ay ka daalaan dagaalka oo dalka ay ka baxaan in Al-Shabaab aysan marnaba joojin doonin,ciidamada Shabaab ee dagaalka ku geeriyoodana ay yihiin kuwa Shihiid ah sida uu hadalka ku sheegay Abuu Muscab.
Afhayeenka Ciidamada Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya oo lagala wareegay halkaasi laga waayay ku dhaqanka Shareecada Islaamka isaga oo shacabka Gobaladaasina ugu baaqay inay beri ka ahaadaan ciidamada halkaasi jooga.
Al-Shabaab ayaa looga itaal roonaaday dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya iyadoo lagala wareegay deegaano badan oo ku yaala Gobalada dalka Soomaaliya halkaasi oo ay maamuli jireen.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


