Amisom oo laga dalbaday inay faarujiyaan Istaadiyum Muqdisho

Warsaxaa fadeed kasoo baxay xiriirka kubadda cagta ee dalkeenaana Soomaaliya ayaa waxa looga dalbaday ciidmadda Midowga Africa ee AMISOM in ay faarujiyaan garoonka kubada cagta ee istaadiyum Muqdisho.

 

War saxaafadeedka ayaa waxa  ku wada saxiixnaa gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta dalkeenaan SoomaaliyaCali Saciid Guuleed iyo xoghayihiisa C/qani Saciid Carab,waxana ay siwada jir ah ushaaciyeen in dib udhis lagu sameyn doono garoonka kubada cagta ee  Muqdisho.

 

Dhanka kale war saxafadeedka ayaa lagu yiri in xiriirka kubadda cagta Soomaliya ay u kuur gali doonaan xaalada uu kusuganyahay garoonka isbertiibadda oo ku yaala dagmada Warta Nabadda haatana ay ku sugan yihiin ciidamada Midowga  Afrika.

 

Waxaa jirta bahi weyn ay uqabaan ciyaartooyda kubada cagta dalka Soomaaliya in ay arkaan garoonka Muqdisho oo dib udhis lagu sameeyo islamarkaana marti galiya ciyaaro caalami ah.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO