AMISOM Oo Sheegtay Inay Isku Furayaan Muqdisho Iyo Baydhabo
Taliska ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo meelo kamid ah gobolada dalka soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada nabad galyo ee goobaha ay ku sugan yihiin shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Adan Xumud ayuu kaga warbixiyay waxqabadka ciidamada AMISOM.
Waxaa uuna sheegay inay ku howlan yiihin sidii ay isku furi lahaayeen wadada isku xirta Magaalada Baydhabo iyo Afgooye waxaa uuna yiri wadadan waxa ay muhiim u tahay shacabka soomaaliyeed iyo nolashoodaba .
Col. Cali Adan ayaa ku daray in AMISOM ayna marnaba kala laabanayn caawinta ay siiyaan dowlada soomaaliya iyo shacabkeedaba .
Waxaa uu tilmaamay in tododabaad kani yahay kii ugu nabada badanaa wakhiyadan xaalada amaanta Muqdishona ka soo raynayo.
Hadalkan afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xili habeenkii xalay bam cagmeed lagu tuuray dad aroos ahaa ay 12 qof ku waxyeeloobeen sido kalena xalay lagu dilay deegaanka suuqa xoolaha hal qof oo rayid ah.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


