Arday Soomaaliyeed Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Dowlada Turkiga

Maanta  ayaa in kabadan 250 Arday Oo Deeq waxbarasho ka helay  dowlada Turkiga ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ardaydan oo ka faa’ideysanaya deeq waxbarasho oo si lacag la’aan ah dowlada Turkigu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa duhurnimadii maanta laga sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hadaba Ardayda maanta ka dhoofay Muqdisho ee deeqda Waxbarasho ka faa’ideysanaya ayaa ka duwan fursadihii ay horey uga ambabaxeen dalka ardaydii ka horeysay waxaana ardaydan ay fursadahan ku heleen imtixaan dhanka Internetka ah oo iyaga laga qaaday iyagoo jooga gobola fog fog.

 

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr.Koni Torun ayaa isagu ardaydan ku sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Ardaydan ay yihiin kuwoo diyaarin doona shahaadada Masterka.

Diyaarad nooca dhexa ah oo ka mid ah diyaaradaha Shirkadda Turkish Airways ayaa maanta ka qaaday ardaydan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo ardaydanna ay Jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi wax ka baran doonaan marka ay tagaan.

 

Dowladda Turkiga ayaa kaalin mugle ka qaadatay  xiligan iyadoona u soo  gurmatay xilgii abaaraha badanka dhaceen  dhamaan gobalada soomaaliya,

Waxa ayna tani ka mid tahay  qayb ka tahay deeqaha ay siiso dowlada turkigu walaalhooda soomaaliya


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO