Arsenal, Real madrid, Malaga,Porto Oo Badiyey Iyo Man City Oo bareejo Gashay
Kulamadii labaad ee Championka oo la ciyaaray caawa afarta guruub ee ABC iyo D ayaa waxaa ay ahaayeen kulamo xiiso leh oo marka la eego aad u adkaa.
Guruub A ciyaaray kooxaha Dynamo Kyiv iyo Dinamo Zagreb ciyaartan ayaa kooxda oo garoonkeeda lagu ciyaarayay waxa ay ku badisey 2-0 oo iyado ociyaarta kale ee xiisaha lahayd ee kooxda Porto iyo PSG ay ku dhamaatay guuldaradii koowaad ee Championka ay dhadhamisey kooxda PSG kadib markii ciyaarta oo ka dhiman 7 daqiiqo laga dhaliyey hal gool waxaana goolkaa u dhaliyey Porto Rodrigues.
Guruubka B oo ciyaaro xiiso leh ay dhex mareen ayaa waxaa isku arakay kooxaha Arsenal iyo Olympiakos waxayna Arsenal sii dheereysatay dhibcaheedii kadib markii ay 3-1 ugaga badisey. kooxaha Schalke iyo Montpllier ayaa isla dhaafi waayay 2-2.
Guruubka C ayaa kooxda Milan ayaa 3-2 ugaga badisey Zenit oo ay marti u ahayd, halka Malaga ay dirtey 3-0 kooxda Anderlecht oo ay marti u ahayd waxaana guruubkan ugu sareysa kooxda Spain ka dhisanee Malaga oo leh lix dhibcood halka Milan ay leedahay afar dhibcood.
Guruubka D oo ah guruubka ugu adag ayna ku jiraan afar koox oo haysta horyaalada dalalkooda aya waxaa ay Real Madrid dhulka ku jiiday Ajax kadib markii ay 4-1 gurigeeda ugaga badisey waxaana saddex ka mid ah goolashaa dhaliyey Ronaldo oo ay si wanaagsan isu fahmeen Kaka oo ka mid ahaa 11 kii ciyaaryahan ee ku bilowday ciyaarta waxaana goolka kale u dhaliyey Benzema.
Hase yeeshee Man City oo hamigeedu ahaa in ay gurigeedu ugaga badiso Borussia Dortmund ayaa ka badbaaday guuldarro kadib markii ciyaar laga awood badnaa ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah waxaana laga dhaliyey Man City goolka ku hormartay Dortmund oo uu u dhaliyey Reus daqiiqadii 61aad hase yeeshee goolal badan ayaa waxaa ka badbaadiyey City goolhayahooda balse daqiiqadii 90 aad ayaa rigoore ay heshay City waxaa u dhaliyey Balotelli oo bedel ku soo galay.
Guruubka D ayaa waxaa hogaanka u haysa Real Madrid oo 6 dhibcood leh halka Dortmund ay 4 dhibcood ka leedahay.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


