Borussia Dortmund Oo ka Badisay Real madrid

Real Madrid ayaa dhadhamisay guuldaradii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan ee Champions League ka dib markii guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Borussia Dortmund, kuwaasoo guushii ugu horeysay ka gaaray kooxda horyaalka La Liga heysata.

Kulankaan ayaa ku bilowday jawi degan, inkastoo ciyaarta ay kululaatay bartamihii qeybtii hore islamarkaana Real Madrid uu dhaawac ka noqday Sami Khedira oo bilowgii ciyaarta la bedelay, waxaana hogaanka ciyaarta qabatay kooxda martida loo ahaa Borussia Dortmund daqiiqadii 36aad, iyadoo Lewandowski uu shabaqa si wacan ugu hubsaday, ka dib markii Pepe uu si xun u ciyaaray.

Laakiin labo daqiiqo ka dib Cristiano Ronaldo ayaa u barbareeyay Real Madrid, ka dib markii kubad uu Ozil u soo qaaday uu si sahlan isna uga dulqaaday goolhayaha Dortmund Weidenfeller, waana goolkii 43aad ee Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyo koobkaan Champions League.

Real Madrid ayaa goolkaas uu ahaa mid rikoor cusub  ah ka dib markii ay shabaqa soo taabteen 14 kulan oo isku xigta oo Champions League ah oo marti ahaayeen, iyagoo barbareeyay rikoorka Bayern Munich iyo Barcelona.

Waxaan qeybtii hore lagu kala nastay barbarahaas 1-1 oo ay isdhaafsadeen labada kooxood.

Borussia Dortmund ayaana qeybtii labaad cadaadis saartay kooxda martida u aheyd ee Real Madrid, waxaana dadaalkooda ay ka mira dhaliyeen daqiiqadii 63aad markii Marcel Schmelzer uu kubad shabaqa ku hubsaday markii Casillas uu qalad sameeyay.

Goolkaas uu dhaliyay Schmelzer ayaana ugu filnaa inay Borussia Dortmund ku badiso 2-1, waxaana ay taasi keentay inay hogaanka Group D ku qabtaan 7 dhibcood, halka Real Madrid ay leedahay 6 dhibcood.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO