Brazil oo dhagaha ka qaraacday xulka iraq
Kaka ayaa si fiican uga dhex muuqday kulankiisii ugu horeysay ee Brazil tan iyo muddo ka badan labo sannadood, iyadoo Brazil ay lix gool iyo waxba ku dubatay xulka Iraq ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Malmo, Sweden.
Ciyaartaan ayaa aheyd ciyaartii ugu horeysay ee kubadsameeyaha Real Madrid uu u ciyaaro wadankiisa tan iyo koobkii adduunka ee 2010, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ka dib markii xiddiga da’da yar ee Chelsea Oscar uu labo gool Brazil hogaanka ugu dhiibay.
Hulk ayaa goolka afaraad ku daray ciyaarta oo saacad socota, halka Neymar iyo Lucas ay dhameystireen goolasha nusdarsanka, iyadoo gabi ahaanba awood u sheegtay xulka Iraq oo uu macalin u yahay kubadsameeyihii hore ee Brazil Zico.
Brazil oo martigelin doonta koobka adduunka ee 2014 ayaa kulanka soo socda ee saaxiibtinimo waxa ay la ciyaari doonaan xulka Japan.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


