Brazil u awood sheegatay xulka Japan

Brazil ayaa ciyaar ay iska heysatay waxa ay 4-0 kaga badiyeen xulka Japan ciyaar saaxiibtinimo oo maanta ay labada kooxood ku yeesheen magaalada Wroclaw ee dalka Poland.

Paulinho ayaa goolasha u daah furay daqiiqadii 12aad, ka hor inta uusan xiddiga kooxda Santos ugu labeeynin Brazil gool rigoore ahaa wax yar ka hor inta aysan ciyaarta socon nusasaac.

 

Neymar ayaa mar kale shabaqa soo taabtay isagoo ciyaarta ka dhigay 3-0 daqiiqada markii ay socotay qeybtii labaad, ka hor inta uusan ciyaarta hurdo u dirin xiddiga kooxda Real Madrid Kaka kaasoo dhaliyay goolkii afaraad ee ciyaarta.

Brazil ayaa martigelin doonta koobka adduunka ee 2014, sidaasi darteed uma baahna inay ka qeybgalaan isreebreebka koobka adduunka waxaana ay bedelkiisa sameynayaan ciyaaro saaxiibtinimo si ay xulka isku sii fahmaan ka hor koobka adduunka ee dalkooda ka dhacaya


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO