Cavani: “Waxaan Rabaa Inaan Gaaro Heerka Messi iyo Ronaldo.”
Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Napoli, Edinson Cavani ayaa sheegay inuu hadafkiisu yahay in uu gaaro heerka ay maanta joogaan labada xidig ee Ronaldo iyo Messi.
“Messi iyo Ronaldo waa labo laacib oo qatar ah, maalin walba waxaan sameeyaa tababar adag, waxaana rabaa in aan gaaro heerkooda oo kale.” sidaa waxaa yiri Cavani oo u waramayay wargeyska caanka ee dalka talyaaniga ka soo baxa La Gazzetta dello Sport.
Xidigaan reer Uruguay ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay dalabaadkii uga yimid kooxaha waaweyn ee Yurub sida Chelsea, Manchester City, Juventus iyo Real Madrid, intii lagu jiray suuqa kala iibsiga ciyraartoyda.
“Mar walba way adag tahay in aad koox ka wareegto koox kalana aad u wareegto, hadana sidaas oo ay tahay, hadii ay jirto koox i daneyneysa waa inay bixiyaan qiimaha Napoli ay rabto inay igu iibiso.”
“Dhib iguma heyso aniga, qiimaha €60 million ee Napoli ay rabto in ay igu iibiso in kastoo kooxaha qaar ay ku adagtahay qarashkaas bixintiisa, waqti xaadirkaan waan ku qanacsanahay kooxdeyda, inaan guulo la gaarana waan jeclahay.”
Cavani ayaa xili ciyaareed yadii u dambeeyay kamid ahaa weeraryahanada aan la loodin karin ee ka ciyaara horyaalka Serie A. Heeshiiskiisa uu Napoli kula joogo ayaa ku eg 2017.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


