Chelsea oo weli sii haysa hogaanka horyaalka ingiriiska

Kooxda Norwich ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay markii Holt uu shabaqa ku hubsaday kubad daqiiqadii 11aad ee ciyaarta.

Laakiin waxaa daqiiqado ka diba Chelsea u barbareeyay Fernando Torres oo madax ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Ivanovic.

Waxaana daqiiqadii 22aad hogaanka u dhiibay Chelsea halyeeygooda khadka dhexe Frank Lampard, kaasoo kubad labo lugaaleey ah oo ka soo halowday Fernando Torres sideeda shabaqa ku geliyay.

Chelsea halkaas kuma aysan joogsan oo weerarkoodii isdaba jooga ahaa waxa uu keenay inuu goolka seddexaad shabaqa ku hubsado xiddiga xagaagan ku soo biiray Eden Hazard, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-1 oo Chelsea ay hogaanka ku heysay.

Qeybtii labaad ayaa ciyaarta ay ku bilaabatay si ka dabacsan sidii qeybtii hore, laakiin Chelsea ayaa dooneysay inay ciyaarta ka saarto wax muran ah islamarkaana hogaankooda sii dheereystaan.

Ciyaaryahan Ivanovic ayaana goolka afaraad u dhaliyay ciyaarta oo dhiman in ka yar 15 daqiiqo ka dib markii kubad joog sarre ku socota oo uu cirib ku soo taabtay Juan Mata markii uu sideeda darbo xoog leh kula qabtay islamarkaana shabaqa ay dhex fariisatay.

Waxaana ay Chelsea dhelin kartay goolal intaas ka badan laakiin nasiibka ayaa saacidi waayay.

Chelsea ayaa haatan hogaanka Premier League ku heysa 19 dhibcood 7 kulan oo ay ciyaareen, iyaga iyo Manchester City ayaana ah kooxaha kaliya ee ilaa iyo haatan aan dhinacooda dhulka la dhigin.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO