Ciidama Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Fara Badan (DAAWO SAWIRO)

Ciidamada Badda Maamul goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay hub aad ubadan kadib howlgal ay ka qeyb qaateen shacabka deegaanka Qandala ee gobolka Bari.

Hubkan ayaa xalay waxaa lagu soo bandhigay gudaha dekedda Magaaladda Boosaaso, waxaana hubkaas ay ka kooban yihiin Taangiyada lidka ah iyo Walxa Qarxa.

Isagoo saxaafada lahadlayay Taliyaha Ciidamadda Badda Dawladda Puntland Admiraal Guuto Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa waxaa uu sheegay in soo qabashada Hubkan iyo waxyaabaha qarxa ay ka qeyb qaateen shacabka magaaladda Qandala.

Waxaa uu sheegay in Hubkan ay lahaayeen dad cadaan ah ayna ku aasteen meel aan ka dheereyn Magaaladda Qandala hase ahaatee dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen Hubkaas.

“hubka lasoo qabtay waxaa uu ka kooban yahay Hubka lidka Taangiyada ama kan lidka Gawaarida Gaashaaman iyo Walxa qarxa, waxaana la doonayay in falal amaan xumo ah lagu gaysto”, ayuu sheegay Taliyahan oo saxaafada lahadlayay.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa dhankiisa uga mahadceliyay shacabka degmada Qandala la shaqeynta Ciidamada badda ee puntland.

Waa Howlgalkii ugu balaarnaa ee ay ciidamada badda Puntland sameeyaan tan iyo markii ay si toos ah ubilaabeen howlgaladda kadhanka ah Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalia.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO