Ciidamada dowlada somalia oo qabsaday degmada walanweyn

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay Si Buuxda uga fara maroojiyeen Al-Shabaab Taladii Magaaladda walan weyn ee Gobolka Shabeel;Adda hoose .

 

 

Ciidamadda Dowladda ayaa Galinkii Dambe ee shalay waxaa ay Gareen Meel Duleeka ka ah magaaladda iyadoo halkaana ay iskaga baxeen Ciidamadii iyo Maamulkii Al-Shabaab  ee Ka ariminayay Magaaladda.

 

Amaan Duulaha Ciidanka XDS  Gen-Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan oo ka hadlayay Gaarista ay gaareen Walan weyn aya waxaa uu sheegay isagoo la hadlayay Raadiyaha Dowladda in Walan weyn ay Ciidamadu Xalay ku hoyden Duleedka Magaaladda Saakana ay Gudaha u galayaan isagoo in taa ku daray in isla Maantaba ay ka go,antahay in Ciidamadu ay Fariisin ka sameystaan Garoonka Bali doogle oo Duleedka ka ah degmadda Walan weyn ee G/Sh/hoose.

 

Ciidamadda ayaa Saaka lagu soo Waramayaa inlagu dhex arkayo Magaaladda iyagoo wata Dabaabaadka Dagaalka waxaan uu dhaga badan ugu Baaqay Dadka deegaanka in ay is dajiyaan oo aysan Dhibaato kala kulmi doonin Ciidamada is garab sanaya ,

 

 

Dhinaca kale Axmed Cumer Mudane Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca amaanka ee Mamulka Gobolka Sh/hoose  ayaa waxaa uu Xaqiijiyay In Ciidamada Dowladda ay si buuxda ula wareegeen  Degmadaasi .

 

 

Qabsashada  Degmadda walanweyn ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay ka dhigeysaa in Gobolka sh/hoose inta badan ay Ciidamada Dowladda Gacanta ku dhigeen oo ay uga harsanyihiin Degmooyin kooban in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay Fariisin ka dhigtaan Garoonka Bali dooglena waxaa ay Ciidamada ka saacideysaa in uu Fududaado isku xirka goboladda Bay iyo Sh/hoose.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO