Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Ku Wajahan Degmooyinka Qoryooleey Iyo Baraawe
Xilli Gobalka Shabeelaha Hoose deegaano ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab ayaa maamulka Gobalkaasi waxa ay sheegeen inay sii wadayaan dagaalka ay kula wareegayaan deeganada Gobalkaasi ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in hada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Degmooyinka Qoryooleey Baraawe iyo Deeganada kale ee Shabaab ay ku sugan yihiin.
C/qaadir Maxamed Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ugu baaqay shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose inay bilaabaan tacbashada beerahooda maadaama hada la galay xilli roobaadka.
Al-Shabaab ayaa deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose ay ku sugan yihiin waxaana halkaasi dadka kunool marwaliba ay dareemayaan cabsi ku aadan weerar dagaal ah oo ay ku qaadaan ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


