Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay deegaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose
Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa goor dhow la wareegay deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo dagaal culus uu ka dhacay duhurnimadii maanta.
Dagaalada oo muddo socday ayaa ka dambeeyay markii Ciidamada dowladda iyo AMISOM weeraro ku qaadeen inta u dhaxeya Leego iyo Yaaqbariweyne, halkaasoo dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madfac habow ah uu ku dhacay gaari dad rayid saarnaayeen, intii dagaalada ka socday wadada.
Taangiyada ay lahaayeen Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic ku ridayay dhulka howdka ah oo Al-Shabaab weeraro gaadmo ah uga soo qaadayeen.
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-badan ayaa sheegay in goor dhow ay xaqiijiyeen inay la wareegeen deegaanka Leego iyo agagaarkeeda.
Tan iyo todobaadkii hore waxaa jiray dagaalo goos goos ah oo ka dhacayay wadada u dhaxeysa Wanlaweyn ilaa Buurhakaba, iyadoo weeraradaas lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


