Ciidamda dowlada oo la wareegay deegqaano hor leh
Warar aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka shabeelada hoose ayaa waxay ku waramayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM saaka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Leego iyo yaaqbariwayn kuwaas oo ay hore ugu sugnaayeen Ciidamada Alshabaab.
C/Raxmaan Axmed Maxamed oo ah taliyaha howlgalkaas waday ayaa waxaa uu mareergur.com u xaqiijiyay in ay saaka waabarigii ay la wareegeen deegaanadaas ciidamada xooga dalka soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Sido kale ayaa waxa uu sheegay taliyuhu in ay halkaas ku dileen 6 qof oo ka mid Alshabaab iyagana ay 2 askari dhaawac kan soo gaareen .
Taliyaha waday howl galkaan ayaa waxaa uu u sheegay dadka dageenka Leego iyo Yaaqbariwayne in ay isdajiyaan ilaa inta ay xaalada amaanka laga sugaayo .
Ciiidamada dowlada ayaa dhawaanahan waday isbalaarin ay isku fidinayaan gobolada shabeelada hoose iyo jubooyinka
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


