Ciidamo gaar ah oo loo la geynayo gobolada dalka

Taliyaha Ciidamada Biliiska Soomaaliya Gen.Shariif Shiekh Una maye oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Deegaanadii Al-Shabaab lagala wareegay ee Gobolada Ku dhaw dhaw Caasimada ay Gey doonaan  Ciidamo si gaar ah ugu taba baran Baarista Miinooyinka Si ay uga Hor tagaan Waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay ka tageen .

 

Waxaa uu Sheegay Taliyuhu in iyagoo ka hortagaya in Shacabka iyo Ciidamadaba ay  Dhibaato ka soo gaarto Miinooyinka Aasan ay Dhaqso u bilaabi doonaan Fulinta Qorshahaan oo ay Ciidamo Gey Doonaan Dhamaan Deegaanadii Al-Shabaab laga saaray Ee Goboladda Shabeelooyinka .

 

Hadalka Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu Imaanayaa iyadoo inta badan ay ka dhacaan Goobihii laga saaray Shabaab Qaraxyo Khasaarooyin u geestay Shacabka oo lala eegto Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxaana aan la ogeyn sida ay uga fuli doonto Booliska Soomaaliya Balan qaadka Nuucaan ah iyadoo la wada og yahay in Balan Qaadyo badan oo la sameeyay aysan dhaqan galin .

 


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO