Ciyaartoy Mareeykan ah oo joojiyay tabaradii iyo ciyaarihii si ay u cibaaydeystaan (DAAWO VIDEO)

 

 

qaarka kamid ah ciyaartoyda oogu caansan  mareeykanaka ee dheela NFL-ka aya joojiyay ciyaarihi iyo tabarradii si ay usoo xajiyaan una faafiyaan diinta islamka.ciyaartooydan ayaa la sheegay inay qaaten 1sano fasax ah

 

inay howshaas wadi doonaan ilaa ay u anbabixi doonaan soo gudashada xajka ee sanadkaan.Xuseen Cabdulaahi oo 27 sano jir ah iyo walaakiis Xamza Cabdulaahi oo 29 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciyaartooyda dheesha kubadaha loogu jecel yahay dalkaas Mareykanka ee loo yaqaan American Football iyadoona uu Xuseen u dheelo kooxda Minnesota Vikings, halka walaalkiisna uu u ciyaara kooxda Arizona Cardinals ayaa waxay goosteen inay mudo bilooyin ah ay joojiyaan wax alaale wixii ku saabsan ciyaartaas iyo howlahooda kale iyagoona u jiheystay inay noqdaan taqliib ama ay noqdaan kuwa faafiya diinta islaamka iyagoo ku wareegaaya dhamaan masaajida ku yaala dalkaas Mareykanka islamarkaana ay dadka ku wacdinaayaan oo ayna farayaan wanaaga iyo alle ka cabsiga, Labadaan nin ee dhalinyarada ah oo safarkoodu uu soo bilaabmay ilaa iyo bishii ramadaanka ayaa waxaa ku weheliya safarkoodaas walaalkood ka weyn oo lagu magacaabo Cabaas, dhalinyaradaan oo soo booqday in ka badan ilaa iyo 30 masjid ayaa goob kasta oo ay tagaan lagu soo dhaweynaayey gacmo furan ayaa waxay
 

 

Ugu dambeyntiina iyadoo dhalinyaradaan ay sheegeen inay qaar ka mid ah kooxdoodu aysan fahamsaneyn howshooda islamarkaana ay kula taliyeen inay arimahaas dib u dhigtaan oo ay waqti kale oo ay fursad u heli karaan ka dhigtaan howshaas ayaa sidoo kale qaar ka mid ah waxay sheegeen inay dhalin yaradaas qatar weyn galinayaan mustaqbalkooda maadaama ay yihiin kuwo ku shaqeysta isboortigaan ay dheelaan, Laakiin labadaan wiil ee walaalaha ay ayaa sheegay in kastoo ay qatar galinayaan mustaqbalkoodu inay hadana tahay howl wanaagsan oo waajib ku ah muslim ahaan waxa ay qabanayaan, Sidoo kale ayaa waxaa arintaas difaacay walaalkood oo sheegay inaysan jirin wax ka fiican oo ay sameyn lahaayeen.

 

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO