Col Caalin “Galmudug aniga ayaa M/weyne ka ah”

Maxamed Axmed Caalin oo horay u ahaa M/weynaha Maamulka galmudug  ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu yahay M/weynaha Sharciga ah ee maamulkaasi  Galmudug gaalkacyo uu hada ku sugan yahana uu u tagay in sida uu sheegay in uu Xaliyo Khilaafaad ka dhex taagan maamulka Galmudug.

 

“Galmudug aniga ayaa M/weyne ka ah Cid kale oo sheegan kartaa ma jirto iyadoo aysan doorasho dhicin oo aan la iga guuleysan waxaa la iiga faa.iideystay  intii aan ku mashquulsanaa Howlaha Road Mapka iyo intii aan Xanuunka ku maqnaan Marka Dadka Sheeganaya in ay yihiin M/weynaha maamulka Galmudug waa sharci Daro “ayuu yiri Maxamed Axmed Caalin.

 

Caalin ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in uu Diyaar u yahay in uu Doorasho Loogu tartamayo Xilka M/weynaha maamulka uu galo hadii looga guuleystana uu Diyaar u yahay in uu wareejiyo Xilkaasi .

 

Maamulka Galmudug oo ka mid ah Maamulkada ka jira Dalka ee la aqoonsan yahay ayaa waxaa Mudooyinkii Dambe ka dhex taagnaa Khilaafaad iyo is qab qabsi Madaxda Sare ee maamulkaasi ah waxaana Muuqata hada in wali aan Xal laga gaarin Arintaa ay Madaxda maamulka isku hayaan .


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO