C/Wali Gaas oo Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo
Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Waqtigeedu dhamaaday Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ka dib Markii uu Shalay wareejiyay Xilkii R/Wasaare Nimo.
Safarka Cabdi wali Gaas ee Gaalkacyo ayaan la ogeyn Sababaha Rasmiga ah ee ka Dambeeya in Kastoo ay Warar kala Duwani ka soo baxayaan .
Dr Gaas ayaa waxaa uu Saxaafada kula hjadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ka hor inta uusan ka duulin halkaas waxaana uu sheegay in uu ku wajahan yahay Magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu u tagayo in Qooskiisa uu soo salaamo Lkn wax kale oo Faah Faahin ah ma uusan Bixin.
Warar Qaar ayaa sheegaya in Dr Gaas uu Doonayo in uu ka qayb Galo Doorashada Madaxtinimada Maamulka Puntland oo dhawaan dhici doonta Iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in uuba u sharaxan yahay Qabashada Hugaanka Maamulkaas.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


