Dagaal U dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo garab iyo Ururka Al-Shabaaab oo ka dhacay Dharkeenleey
Dagaal U dhexeeyay Ciidamada Dowladda Dowldda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo Ururka Al-Shabaaab ayaa Xalay waxaa uu ka dhacay Xaafada Xoosh Degmada Dharkenley ee Gobolka banaadir Dagaalkaas oo Dhacay saqdii Dhexe Xili ay Hurdeen dadka.
Goob joogayaal ku sugan xaafadaas ayaa waxaa ay Sheegeen in dagaalku uu Yimid ka dib Markii ay Ciidamo ka Tirsan Al-Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen fariisimo ay Ciidamadu ku leeyihiin xaafada Xoosh iyo Agagaarka Deegaanka Kaxda Halkaana uu ka dhacay iska hor imaad qaatay ugu yaraan Nus saac .
Wararka ayaa waxaa ay Intaa ku darayaaan in Dagaalka Xoogiisa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM uu uga yimid Dhulka howdka ah ee ku teedsan xaafada Xoosh waxaana ay Ciidamadu sameeyeen iska caabin .
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Dhar Kenley Yuusuf Ibraahim xasan ayaa dagaalkii Xalay waxaa uu ku tilmaamay mid Gaadmo ahaa oo ay Soo qaadeen tiro yar oo ka tirsan Al-Shabaab Sida uu sheegay ula jeedkiisuna uu ahaa in la qal qal galiyo Amaanka Degmada isagoo intaa ku daray in aan La Xaqiijin Karin Khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo waliba dadka rayidka ah.
Deegaanada Muqdisho ku Teedsan ee Dhinaca Gobolka Sh/hoose waxaa si wada jira Gacanta ugu haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxaana ay dadka Reer Muqdisho is wewydiinayaan Suurta galnimada in Shabaab ay Awood u helaan weerar ay ku soo qaadaan Degmooyinka Gobolka banaadir
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


