Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Dagaal iyo duqeymo xoogan ayaa xalay gees ka gees ruxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, kadib markii weeraro qorsheysan ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan ayaa yimid markii gudahan magaalada ay u galeen xoogag taabacsan Shabaab, kuwaasoo weeraro ku ekeeyay Xarumo Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku sugnaayeen.
Weerarada ayaa lagu qaaday Saldhiga Kismaayo, agagaarka Madaxtooyada iyo xaafadaha qaar, iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo magaalada si weyn u gil gilay.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha, hadana dagaalka ayaa ahaa mid aad u xooganaa, rasaastana ay dhowr meel is qabsatay.
Xoogagii taabacsanaa Shabaab ayaa isaga baxay magaalada, markii weerarada ay fuliyeen, waxaana dagaalkii xalay noqonayaa kii u horeeyay ee gudaha magaalada la isku fara saaro, tan iyo horaantii sanadkan markii la qabsaday.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada huwanta, iyadoo saaka lagu soo waramayo in howl galo ballaaran ay ka socdaan xaafadaha magaalada, kaasoo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka soo qaaday
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


