Dalka Uruguay oo laga ansixiyay ilmo iska soo xaaqida

Dalka Uruguay aya ogaaladay in haweenku ilmaha iska soo ridi karaan kadib marki inta badan xubnaha Senate ka ah ay heleen cod aqlabiyad.

 

Uruguay wuxu noqonayaaa dalkii labaad ee sharciyeeya in haweenku ay ilmaha iska so ridi karaan. sharcigaan cusub aya siinaya haweenka wadankaasi xoriyad ay haday rabaaan isaga so ridi karaan ilmaha.

Dad badan iyo ururo kasoo horjeeda ilma iska soo xaaqitaanka ayaa canbaareeyay go’aankaas.

Madaxweynaha dalkaas Jose Mujica ayaa saxiixay qodobkan kadib markii aqalka golaha odayaasha ay ansixiyeen.

Siyaasitiinta kasoo horjeeda ilma iska soo ridista ayaa sheegay in dowlada ay ku kacday fal aad looga xumaado

“ilma iska soo tuuritaanka waa caafimaad ma jiro oo kale”ayuu sheegay Senator Alfredo Solari oo katirsan Mucaaradka dalkaas.

 

sharcigaan ya dhigaya in in ilma iska so xaaqitaanka  loo ogolyahay haweenka 3 bilood ee ogu horeysa uurka.

 

Xirsi Axmed 

xafiiska mareergur.com ee kuala lumpur, malaysia


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO