Dibadbax Lagu Taageeraayo R/Wasaaraha Cusub oo ka Dhacay Galguduud

Banaanabax ballaaran oo lagu taageeraayo soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud.

Ujeedada Banaanbaxa ayaa waxaa la sheegay inay aheyd in la muujiyo sida shacabka reer Dhuusomareeb ay ugu faraxsan yihiin soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.

Dadweyne aad ufara badan ayaa isugu soo baxay Dibadbaxa kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Goobta dibadbaxa uu ka dhacaaye ayaa waxaa ka hadlay xubno kamid ah Ururka Ahlusuna kuwaasi oo sheegeen inay soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Maamulka Dowladda ee Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud C/raxmaan Cali Maxamed oo sheegay inuu soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale shacabkii halkaasi isugu soo baxay ayaa dhamaantood u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ee shalay lasoo magacaabay.

Tan iyo shalay markii lasoo magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ayaa waxa si aad isku soo taraaye hambalyada loo jeedinaayo,inkastoo aan la ogeen waxyaabaha uu la imaan doono.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO