Dowlada Ingiriiska Oo ka hadashay dilkii Loo gaystay Wariye Axmed Saakin
Danjiraha Dowladda ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Matt Baugh ayaa cambaareeyay dilkii magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xalay loogu gaystay weriye Axmed Faarax Ilyaas (Axmed Saakin) oo ka tirsanaa Shaqaalaha TV-ga Universal.
Danjire Matt Baugh ayaa waa uu saaka ka hadlay dilkii weriyaha waxana uu ku tilmaamay inuu ahaa fal Waxashnimo ah waxaa uu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca dowladda Britain uu tacsi u dirayo qoyskaiyo Qaraabadii uu ka geeriyooday iyo dhamaan Bahda Saxaafada Soomaaliya.
Waxaa uu maamulada Soomaaliya ka jira ka Dalbaday in ay caddaaladda horkeenaan dadka ka dambeeya dilalka argagaxa leh ee sababi kara in ay sii socdaan falalka lagu beegsanayo weriyeyaasha Soomaaliyeed.
Wariye Axmed Saakin oo ahaa Wakiilkii Universal ee Gobolka Sool ayaa waxaa uu Noqonayaa Weriyihii 16-aad ee sanadkan lagu dilo Soomaaliya iyadoo ay Dalkana iskaga Carareen kuwo kale oo fara badan.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


