dowlada sucuudiga oo mamnuucday dhuxusha somalia
War ay si wada jir ah ay u soo saareen wasaaradaha Maalyadda , Ganacsiga iyo warshadaha iyo tan arimaha dibadda boqortooyada sacuudiga ayaa waxa ay ku sheegeen inay fulinayaan go’aankii golaha amaanka ee QM ee lagu mamnuucay soo dhoofsashada dhuxusha soomaaliya islamarkaana ay qaateen go’aan ay ku joojiyeen iibsiga dhuxusha soomaaliya .
Warka ay soo saareen wasaaradahan boqortooyada sacuudiga ayaa waxa ay ku sheegeen in dhuxusha soomaaliya ee la keeno sacuudiga ay gaalmo u tahay xarakada al shabab oo bahwadaag la ah ururka al qaacidda sidaa darteedna dowladda sacuudiga aysan dooneyn in Al shabab dhuxusha ay ka helaan dhaqaalo ay ku sii wadaan dagaalada ay kala soo horjeedaan dowladda ciidamada dowlada soomaaliya kuwa AMISOM.
“Waa in la jiijiyaa dhamaan dhuxusha ka soo dageysa degadaha boqortooyada sacuudiga Carabiya ee soomaaliya ka imaaneysa “ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay boqortooyada sacuudiga.
Dowladda sacuudiga ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha mareykanka hishiiska kula galay la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada , waxana boqortooyada sacuudiga al shabab ay u tixgelisay in uu Urur argigixiso oo al qaacidda xiriir la leh sida ku xusan warka saaray ka soo baxay boqortooyada sacuudiga.
Sidoo kalena Dowladda kuwait ayaa talaabadan mid lamid ah horay u qaadatay.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


