Dugsi Galay Buugga Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Adduunka (Guiness World Record)

Dugsi ku yaal dalka Hindiya ayaa galay buugga lagu qoro dhacdooyinka cajiibka ah ee adduunka (Guiness World Record), kadib markii lala yaabay baaxadda uu ku fadhiyo iyo tirada ardayda wax ka barta oo tiradooda lagu sheegay 40,000 arday, sidaas darteedna loo aqoonsaday iskuulka dugsiyada adduunka ugu baaxadda weyn.

Dugsigan oo isugu jira dugsi hoose/dhexe iyo mid sare oo ku yaal magaalada Montessori, ayaa intii u dhaxaysay sannadadii 2010 ilaa 2011 waxa iska diiwaangeliyey arday tiradoodu dhan tahay 39,437 (sagaal iyo soddon kun, afar boqol iyo toddoba iyo soddon) arday.

Dugsigan ayaa tirada ardayda dhigata sannadkan kor u dhaaftay 45,000 arday, iyadoo ay wax u dhigaan macallimiin tiradoodu tahay 2,500 bare, sidoo kalena waxa yaal 3,700 kombuyuutar oo ardayda wax lagu baro, fasalladiisuna waxay ka kooban yihiin 1,000 qol.

Dugsigan oo loo yaqaan CMS waxa fura Jagdish Gandhi iyo xaaskiisa Bharti sannadkii 1959-kii, iyagoo ku maalgeliyey lacag dayn ah oo ay qaateen, taasoo dhammayd 300 Rubi, waqtigana u dhiganta 20.38 Dirham, waxaaa xilligaas dhigan jiray shan arday oo keliya, halka waqtigan uu 20 xarumood ku leeyahay magaalooyinka Lucknow, iyo Uttan Pradesh, isagoo aad loogu xasuusto imitaxaanaadkiisa heerka caalami ah.

“Dugsigayadu waxa uu u koray si aan caadi ahayn, waxaannu dedaalkayagu soo jiitay indhaha waalidiinta, annagoo siina ardayda adeeg waxbarasho oo aad u sareeya, darajadan dhacdooyinka adduunka ee aannu ku guulaysanay waa wax muhiim noo ah aadna aannu ugu faraxsanahay,” ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Jagdish Gandhi oo waqtigan isagoo 75 jir ah dugsigan gacanta ku haya.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO