Duqeyn Ka Dhacday Dhoobleey iyo Saraakiil Alshabaab Ka Tirsan Oo Halkaasi Ku Geeriyooday
Waraka ka imanaya deegaanka Taabto oo hoostimada Dagmada Dhoobleey ee gobalka J/Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in galabtay ay ka dhaceen duqeymo dhanka cirka ah oo ay geesteen diyaaradaha Dowladda Kenya oo qeybta ka ah ciidamadda midowga Africa ee AMISOM.
Sida ay u xaqiijiyeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka sheegeen ayaa waxa ay shaaciyeen in ay arkayeen labo diyaaradood oo nooca Elokobtariska ah oo duqeeynaya kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Inta laxaqiijiyay waxaa geeriyootay 5 kamid ah ciidamada Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil kuwaa oo kamid ahaa diyaaradaha Kenya ciidamada ay duqaynta ku bartilmaameetsadeen.
Duqeeymahaani ayaa yimid kadib markii maalintii shalay ahayd ay Xarakadda Al-Shabaab gaareen qeybo kamid ah magaalada Dhoobleey oo haatan ay gacanta ugu jirta Ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya iyo Kenya
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


