Gaari Dad shacab Ah Ay Saarnaayeen Oo Hoobiye Ku Dhacay
Wararka naga soo gaaraya deeganada udhaxeeya leego iyo Yaaqbaraweyne ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah uu hoobiye kula dul dhacay.
Sida ay sheegayaan wararka gaariga oo ahaa nooca Soomaalida u taqaan caasiga oo kasoo ambabaxay Leego kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isaga oo meel dhexe maraya ku habsaday hoobiye aan la aqoon halka uu kasoo dhacay.
Daahir Cumar Jimcaale oo kamid ah ehelada qof ku geeriyooday gaariga ayaa sheegay in gaariga dad badani ay ku geeriyoodeen inkastoo aan la ogeen tirada dadka ku dhintay gaarigaasi.
Warar kala duwan oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay gaariga ayaa waxa ay sheegayaan in dad badan halkaasi ay ku dhinteen inkastoo aan la hubin dadka geeriyooday.
Xilliga gaariga uu hoobiyaha ku dhacaaye ayaa waxaa la sheegay in deeganadaasi ay ka socdeen dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.
Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose oo aan la xiriirnay ayaan inoo suuragelin inaan qadka tilifoonka ku helno si aan wax uga weeydiino arintan dhacday.
Lama oga halka uu kasoo dhacay hoobiyaha gaariga sida xun ugu dhacay hayeeshe waxaa la’aaminsan yahay in labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay midkood inuu dhankooda kasoo dhacay hoobiyaha.


