Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa
Wararka naga soogaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Ganacsade Soomaaliyeed oo ku dhaqnaa Dalkaasi Koonfur Afrika.Dilkaasi marka uu dhacay kadaibb ayaa waxaan qadka Taleefanka kula xiriirnay mid kamid ah dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan waxaana uu sheegay in ay dilkaan geesteen sida uu sheegay kooxo Burcad South Afrikaan ahaa kuwaas oo uu tilmaamay markii ay dilka geesteen durbadiiba goobta kabaxsadeen.
Waxana uu carabaabay in wiil dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqnaa in lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu lahaa dhexdeeda oo uu xiligaas ku sugnaa.
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee halkaasi lagu dilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Alla Unaxariistee Rooble Faarax kaas oo kamid ahaa dhalinyarada halkaasi ku ganacsan jirtay.
Waxaana uu intaa siidaba dhigay in markii ruuxaan Soomaaliyeed ay dileen Kooxahaan Burcad South Afrikaan ay dukaankiisa kula dhaqaaqeen baarasho waxaana uu cadeeyay in ay halkaasi kaqaateen sida uu sheegay lacago badan oo dukaanka tiilay.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta soogaaray Ciidamada Boolis ah kuwaas oo gaabta uu dilka ka dhacay kasameeyay baaritaano xoogan kaas oo ay kubaadi goobayeen cidii kadambeysay dilkaan loo geestay Muwaadinkaan Soomalaiyeed.
Ilaa iyo haatan majiraan cid sitoos ah kaga dambeysay dilkaan loogeestay Muwaadinkaan Soomaaliyeed sidoo kale majiraan wax war ah oo kasoobaxay Dowlada Dalka Koonfur Afrika oo ay arintaan kaga hadleyso.
Inta badan waxaa Dalkaasi Koonfur Afrika dilal loogu geestaa dadka Ganacsadata Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan ilaa iyo iminkana majiraan cid loo sooqab qabtay dilalkaas loogeesta dadka Soomaaliyeed.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


