Hooyo Cunugeeda Kaga geeriyooday isticmaalka Facebook (Dhado Xanuun Badan)
Booliska Dalka Japan ayaa soo qabtay hooyo lagu eedayay in ay cunugeedii yaraa kaga tagtay sariirta kadibna gashay ciyaarida Game internetka dhexdiisa lagu ciyaaro.
Hooyadaan oo ah 29 sano jir una dhalatay Dalka Japan ayaa sariirta saartay cunug ay dhashay oo aad u miisaan yaraa qabayna xanuun xaga wadnaha kadibna bilowday in ay Game ku ciyaarto inernetka dhexdiisa.
Haweenaydan Reer Japan ayaa lagu soo waramayaa in ay mudaba game kaa ay ku dheganayd oo ay horay dhowr caruur dhibaato usoo gaarsiisay gameka Ciyaaristiisa dartiis.
Sidoo kale hooyadan ayaa ku weysay cunug yar oo 12 maalin jira afar sano kahor kadib markii uu kadhacay meeshii uu saarnaa Iyadoon ogayn oo ku mashquulsan internetka iyo game-ka.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa Hooyadan Barbaarinta xunb in Cunug kale ay dhashay uu god uga dhacay oo ay dersaanku badbaadiyeen markii ay arkeen isaga oo xaalad halis ah kusugan.
Haweenaydaan ayaa ku eedaysan dayacaada caruurta ay dhashay oo ay dhor jeer ay soo gaareen arimo halis ah maxkamada ayaa lagu wadaa in ay xukunto oo ay mutaysado xabsi iyo Ciqaab kale.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


