Hooyo somaliyeed oo xero qaxooti ku umushay 4 caruur ah (DAAWO SAWIRO)
Haweeneydaan oo lagu Magacaabo Xaliimo Maxamed Cabdi waxaa ay ku Noosha hay Xero Barakac oo ku taala Agagaarka Xero Ruush Degmada Hodan ee Gobolka banaadir waxaana ay Halkaaku dhashay ilaa 4 Caruur ah oo Mataano ah kuwaas oo Mid ka mid ah uu ahaa Wiil halka 3-da kalena ay Ahaayeen Gabdho in kastoo uu ka saqiiray Wiilka .
Caruurtaan 4 ah ee ay ku dhashay Xerada barakacayaasha hooyo Xaliimo ayaa waxaa aysan lahayn wax Cod ah iyadoo Hooyada dhashay ay sheegtay in Abaha Dhalay Caruurta aysan arkin Mudo 8 Bilood ah uguna war dambeysay isagoo ku sugan Magaalada Kismaayo ila hadana aysan garaneyn Halka uu ku dambeeyay inuu dhintay iyo in kale .
waxaana Waalidiinta Dhashay Hooyo Xaliimo oo iyana Bara kacayaal ah ay ka dalbadeen in ay soo gar gaaraan hooyadaan Dhibanaha ah iyo Caruurteeda .
Hooyadaan Soomaaliyeed ayaa waxa maanta Lacag gaarsiisay Gabar Soomaaliyeed oo is Xilqaantay gabadhaas oo lagu magacaabo Faadumo Khaliif








