Hooyo Soomaaliyeed Oo Wiil Ay Dhashay Laga Qaatey (DAAWO VIDEO NAXDIN LEH)

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Holland ayaa waxaa laga qaatey wiil yar oo ay dhashay ka dib markii lagu soo eedeeyey hooyadaasi inay wiilkaas yar  u geysatey jirdil taasna aan la aqbali karin.

Hooyadaan Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobey Sabrijn islamarkaana ku nool magaalada Den haag (The Hague) ee dalkaas Holland ayaa waaxaa la sheegay inay qolooyinka caruurta xaquuqdooda u dooda ay ka qaateen wiil yar oo ay dhashay oo 10 sano jir ah oo lagu magacaabo Maxamed, Hooyadaan oo u warameysay Yaasmiin Callas barnaamijkeeda ka baxa telefishinka dalka Holland ee lagu magacaabo Nomaden and Piraten ayaa waxay hooyadaas sheegtay inuu wiilkeeda uu ka dhega adeeygay inuu barto quraanka oo uu aqrista taasna ay keentay inay wax yar ay garaacday oo ay canaanatey, Laakiinse ay ugu xigtey iyadoo ay gurigeeda ay ku soo weerareen booliis oo ayna xabsiga dhigeen iyad iyo saaxiibkeeda oo ayna 3 maalmood ay ku jireen xabsiga islamarkaana la soo taagay maxkamada ayadoo lagu soo eedeeyey inay caruur jirdil u geysatey arintaas oo ay hooyadaas ku noqotey wax la yaab leh, hooyadaan oo uu wiilkeeda ka maqan yahay mudo bilooyin ah oo loo geeyey qoys kale oo xanaaneeya ayaa sheegtay inuusan wiilkeedu wax dhib ah qabin oo ayna wax walba oo uu rabo ay u sameyn jirtey

Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneyda lagu magacaabo Yaasmiin Calas ay wareysi ugu tagtey ninka qaabilsan qolooyinkaas caruurta u dooda xaquuuqdooda oo lagu magcaabo David Lamas si ay wax uga ogaato sida ay wax u dhaceen ayaa waxay weydiisay sababta wiil wax yar oo aan macno lahayn oo lagu dhuftey looga qaaday hooyadiis, laakiin ninkaas ayaa arintaas ka hor yimid asagoona sheegay inaysan si cayaar cayaar ah aysan qofna caruurtiisa u qaadan laakiinse ay jirto in wiilkaas loo geystey jirdil culus asagoona waliban intaas raaciyey inuu dhaqterku uu cadeeyo inuu jiro jirdil xun in loo geystey ilmahaas markaas ka dibna ay sidaas uga qaadaan waalidkood, hooyadaan oo ku calaacashay in dhibkii ka soo qabsaday Soomaaliya uu uga daran yahay kan ay kala kulantey dalka Holland ayaa waxaa kale oo jira in dalka Holland ay jiraan hooyooyin sidaas oo kale looga qaatey caruurtooda ka dib markii lagu soo eedeeyey inay jirdileen ilmahaas ama inay dayaceen caruurtooda.

 

 


 


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO