Ibrahimovic: MA QABO MESSI INU SANADKAN KU GULAYSAN DOONO CIYAARYAAHANKA ADUUNKA OGU FIICAN
Xiddiga kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday in fekrad ahaantiisa uusan qabin in Lionel Messi uu u qalmo inuu ku guuleysto Ballon d’Or sannadkan.
Ciyaaryahanka reer Sweden ayaa dareensan in xiddiga reer Argentina uu shaqsi ahaan ku soo riyaaqay xilli ciyaareed fiican, lakiin waxa uu intaas ku daray inuusan ku guuleysan koobab ku filan oo loogu caleemo saari karo sannadkan ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.
“Waxa uu hore ugu soo guuleystay seddex jeer, hadii ay sidaas ku socotana waa adkaan doontaa in qof kale ku guuleysto. Waxaa la joogaa waqtigii qof kale uu ku guuleysan lahaa.”
Messi ayaa dhawaan sheegay inuusan ka walwalin abaalmarinta shaqsiga ah islamarkaana uu diirada saarayo kaliya inuu guulo la gaaro Barcelona.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


