Kooxda Atletico Madrid Oo Hogaanka Horyaalka Ispaanishka La Qabatay Barcelona.
Sida wacan ee ay Atletico Madrid ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa weli sii socota, laakiin waxaa lagu qasbay inay sugaan ilaa dhamaadkii ciyaarta inuu goolka guusha u dhaliyo xiddigooda Radamel Falcao taasoo u sahashay inay 1-0 kaga badiyaan kooxda Real Sociedad.
Ciyaarta ayaa aheyd mid aan fursado sidaas u badan la iska helin, islamarkaana xiddiga reer Colombia uu ku jahwareersanaa, ilaa iyo intii uu laad xor ah oo qatar ah shabaqa ku hubsan dhamaadkii ciyaarta, taasoo u diiday Sociedad inay waqti u waayaan oo ay kaga jaawabaan goolkaas.
Falcao ayaa goolkaas u ahaa goolkii sagaal ee La Liga uu ka dhaliyo xilli ciyaareedkan, waxaana ay dhanka gooldhalinta isaga mid yihiin Cristiano Ronaldo, halka Messi uu hogaanka ku hayo 11 gool.
Guusha ay gaartay Atletico Madrid ayaana ka dhigeysa inay hogaanka la qabtaan kooxda Barcelona iyagoo wada leh 22 dhibcood sideed kulan oo la ciyaaray horyaalka Spain.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


