La heystayaal udhasashay wadanka Koonfur Kuuriya oo codsaday in lasii daayo

Qoysaska ay ka soo jeedaan la heystayaal u dhashay wadanka Koonfurta Kuuriya oo mudo dheer ku afduuban xeebaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dawlada wadankooda inay deg deg wax uga qabato sidii .loo siideyn lahaa la heystayaasha u afduuban burcad badeeda Soomaalida.

La heystayaashan ayaa la afduubay Bishii April ee sanadkii hore waxayna ka mid ahaayeen 21 ruux oo shaqaale ajnabi ah oo isugu jiray Singapore, Koonfur Kuuriya, Indoniisiya iyo Shiinaha. Waxaana Burcad badeeda ay siidaayeen shaqaalihii kale ee u dhashay wadamada kale kadib markii lacago fara badan laga siiyey.

Ehelada ay ka soo jeedaan afarta ruux ee u dhalatay wadanka koonfurta Kuuriya ayaa sheegay inay mudo toddobo bilood ah iska aamusmnaayeen ayna ka war sugayeen dadaalo dawlada ay waday, iyadoo markii hore loo sheegay inaysan ka hadlin afduubka afarta ruux taasina ay dhibaato ku keeni karto wada hadal lagula jiro burcad badeeda.

Warbaahinta wadanka Koonfurta Kuuriya ayaa haatan sheegtay in qoysaska ay ka dhasheen afarta ruux ay aamusnaantooda jebiyeen, kadib markii ay u dulqaadan waayeen sida dawlada ay uga fariisatay siideynta dadkaasi lagu heysto xeebaha wadanka Soomaaliya.

“Waxaan ka dalbaneynaa madaxweyne Myung-bak, inaan garaneyn wax aan sameyno” sidaasi waxaa tiri Park Hyun-ae oo ah gabar la dhalatay mid ka mid ah afarta ruux ee reer Koonfur Kuuriya ee lagu heysto xeebaha Soomaaliya.

Waxay ku dooday in dawlada ay sheegtay inaysan heyn lacag ay ku bixiso madax furashada isla markaana aysan dawlada heli Karin awood ay ku soo furato dadka lagu heysto Soomaaliya.

Afarta ruux ee reer koonfurta Kuuriya ayaa saarnaa markab lagu magacaabo MT Gemini oo ah nooca saliida qaada kaasoo gacanta u galay burcad badeeda Soomaalida 30-kii April ee sanadkii hore, waxaana laga leeyahay wadanka Singapore.

Wakaalada wararka ee wadanka Koonfur Kuuriya ayaa sheegeysa in dawlada aysan rabin inay si toos ah ugu lug yeelato wada xaajoodka lala galayo burcad badeeda Soomaalida, sidoo kalana waxay dawlada rajo ka qabtaa in gorgortanka siideynta afarta ruux ee wadankeeda u dhalatay inay qeyb ka qaadato shirkadii iska lahayd markabka MT Gemini oo laga leeyahay wadanka Singapore.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO