Maamulka Galmudug Oo Soo Saaray Amarro Ku Wajahan Doomaha Kalumaysiga

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro ku wajahan doomaha kaluumeysiga ee kusoo xirta deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo ee Gobalka Mudug.

Wasiirka Wasaarada gaadiidka Cirka dhulka iyo Badda ee Maamulka Galmudug C/qaadir Cali Jaamac Qalabxooor  ayaa sheegay in amarada ay soo saareen ay ku wajahan yihiin doomaha kaluumaysiga.

Wuxuu sheegay in kaluumaysiga sharcidarada ah ee ay sameeyaan maraakiibta shisheeye ay mamnuuc tahay sidoo kale markab aan amar haysan inuusan kusoo xiran karin.

Wasiirka ayaa sheegay in deegaanada maamulka Galmudug ee xeebta ah laga kala ceyriyay kooxaha burcad badeeda Soomaalida islamarkaana goobahaasi ay ammaan yihiin.

C/qaadir Cali Jaamac Qalabxooor Wasiirka Wasaarada gaadiidka Cirka dhulka iyo Badda ee Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay inay diyaariyeen dhamaan hay’adihii garsoorka sidoo kalena iminka dhismo ay ku socoto xabsi weyn oo loo dhisaayo maamulka Galmudug.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxa lagu arkaa maraakiib si sharci Dario ah uga kaluumaysta kuwaasi oo aan cidna amar ka qaadan.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO