Maamulka Hiiran oo wada Abaabul daagal oo lagu cirib tirayo Al-shabaab

Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan abaabulo dagaal oo ay ku qaadaan deeganada Gobalka Hiiraan oo ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Maamulka Gobalka Hiraan Axmed Cabdala Inji  ayaa  sheegay inay ka go’an tahay maamulka Gobalka Hiiraan inay gaaraan deeganada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobalka Hiiraan.

Wuxuu sheegay Axmed Cabdala Inji in iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobalka Hiiraan ay weerarka dagaalka ah ku qaadi doonaan shabaabka Gobalkaasi jooga.

Axmed Cabdalla Inji Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sidoo kale sharaxay qorshaha ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan.

Inji ayaa tilmaamay in ciidamada AMISOM ay ka caawin doonaan dhismaha Garoonka Beladweyne,dhisida Ciidamada Nabadsugida,kuwa Milateriga iyo ka gacansiinta la dagaalanka Kooxda Shabaab.

Gobalka Hiiraan deegaano ka tirsan ayaa weli waxaa ku sugan Kooxda Shabaab oo Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM dagaal kala soo horjeeda.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO