Maamulka Puntland oo kulan ay ku taagerayaan ra’iisulwasaaraha cusub ku yeshay magaalada Gaalkacyo

Kulan lagu Taageerayay Cabdi Faarax Shirdoon oo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya u Magacaabay R/wasaare uuna Isagu Qadka Taleefanka uga qayb galay ayaa galabta waxaa uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Dhankeeda Wuqooyiga.

 

Kulanka ayaa waxaa soo  Qaban Qaabiyay Odayaal iyo wax garad ka soo Jeeda Deegaanada maamulka Puntland waxaana ka qayb galay Mas,uuliyiinta maamulka Puntland ee Gobolka Mudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo  waxaaana Hadal kajeediyay Mr Saacid R/wasaaraha Cusub oo Qadka Taleefanka uga Qayb galay .

 

R/wasaaraha Cusub ayaa waxaa uu aad ugu Mahad Celiyay Dhamaan intii soo qaban qaabisay iyo intii ka soo qayb gashay Kulankaan lagu taageerayay ee Galabta ka dhacay Gaalkacyo  waxaana uu ugu  Baaq u diray maamulada Galmudug iyo Puntland oo uu ugu baaqay in ay Hagaajiyaan Cilaaqaaadka ka dhexeeya ee dhinaca maamulka Gaalkacyo ah.

 

Sidoo kale waxaa  isna kulanka ka hadlay Axmed Muuse Nuur yare oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Puntland ee Gaalkacyo waxaana uu sheegay in hadii ay yihiin Puntland ay Si Buuxda u taageerayaan R/wasaaraha Cusub Mr Shirdoon.

 


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO