maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka hadlay dagaal ka dhacay Degmada Hobyo

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale “Hagafey” ayaa ka hadlay Dagaalo subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug kaasi oo sida uu sheegay dhex maray Ciidamo uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Ciidamada Ximan iyo Xeeb.

Mr. Hagafey ayaa ugu Baaqay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiin inuu Ciidamadiisa kala Baxo Degmada Hobyo isagoona ku eedeeyey inuu ka danbeeyey Dagaalkaasi.

Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxa ka dhacay Dagaal u dhexeeyey Ciidamo ka socda Galmudug iyo Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb kaasi oo iminka istaagay, illaa iyo iminkana ma jirto cid soo kala dhex gashay labada dhinac.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkaasi, waloow uu saameyn ku yeeshay dadka degmeda Hobyo ku dhaqan.

Degmada Hobyo ayaa waxa ka kala arrimiya Maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, iyadoona mudooyinkii danbe aysan ka jirin wax qilaaf ah.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO