Maamulka Ximin iyo Xeeb oo eedayn kulul u jeediyaay maamulka Galmudug

Maxamed Cumar Hagafeey Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb  ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay kamid tahay dagaalkii shalay Maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb kudhexmaray Dakada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Waxa uu ku eedeeyay Afhayeenka Maamulka Galmudug in ay doonyaan in kaligood ay furtaan Dakada Hobyo taasi oo uu tilmaamay in ay ka wada dhexeyso Maalmulada Galmudug iyo sidoo kale Ximin iyo Xeeb.

Waxaana uu tilmamay Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb in Maamulkiisa Ximin iyo Xeeb ay diyaar uyihiin in ay labada maamul ee Galmudug iyo Maamulkiisaba ay wada furtaan Dekedda Hoyobo balse arintaasi aaney dooneyn Galmudug sida uu shaaciyay .

Dhanka kale waxaa isna u hadlay Maamulka Galmudug Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkaasi Axmed Baasto ayaa waxaa uu shaaciyay in Galmudug aaney dooneyn in ay kaligeed furtaan Dekedda Hobyo balse ay la kaashanayaa rag uu ku sheegay in ay yihiin ganacsato.

Shalay aye aheed markii uu Maamulada Xumin iyo Xeeb iyo Galmudug uu shalay Dagaal ku dhexmaray Dakada Hobyo ee Gobolka Mudug waxaana uu salka kuhaayay dagaalkaasi furashada Dakada Hobyo wallow ay wararka qaar ay sheegayaan in ilaa haatan saan saan colaadeed laga dareemaayo goobtii uu shalay dagaalka ka dhacay.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO