Madaafiiic Lagu Garaacay Degmada Afmadow
Wararka aan ka helayno degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in xalay hubiyayaal lagu garaacay fariisimo ay ciidamda dowlada ku la haayeen deegaankaas sida uu u sheegay idaacada kulmiye goobjooge ku sugan halkaasi.
Madaafiicda ayaa la sheegay inay qasaare ka soo gaareen dad shacab ah oo gaaraya ila 5 qof kuwaas oo ah dadka deeganka degmada Afmadow.
Ilaa hada ma jirto cid sheegatay weerarkaan hobiyayasha ah ee xalay ka dhacay degmada madow kaas oo la sheegay in ay mudo badan uu socday , sidoo kale goob joogaha ayaa inta ku daray in intaas ka dib ay baaritaano ay sameeyeen askartu aanay jirin cid ay soo qabteen.
Mudooyinka danbe ayaa waxaa soo badanayay weerarada lala beegsanayo ciidamada dowlada iyo Kenya xili ay ciidamada dowlada soomaaliya oo kaashanaya miletariga Kenya ay alshabab ka saareen gobolo ay kamid yihiin Jubooyinka iyo Gedo.
FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM
COMMENT NOO REEB MAHADSANID
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Comments are closed.


