Madaxweynaha Iran oo gudoomay waraaqadihii danjirenimo ee safiirka Somalia u fadhiya wadaankaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iran ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomiyaha Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi.

Munaasabad ka dhacday Qasriga madaxtooyada dalka Iran ayaa madaxweynaha dalkaasi Maxamuud Axmed Najadi waxa uu waraaqihiisii aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi Mudane Khaliif Kediye.

Danjire Khaliif Kediye oo la hadalay Radi Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Tehran ayuu sheegay in si maamuus iyo sharf leh uu madaxweynaha Iran uga guddoomay waraaqihii Danjirenimo kadib manaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Danjiruhu intaasi k daray in uu wax ka qabandoono hagaajinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saaban dib u habeeynta iyo ururinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Iran.

ADS

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO