Madaxweynaha maamulka Galmudug oo sheegay in Hobyo uu ka arimiyo maamulkiisu

Madaxweynaha  Maamulka  GalMudug State Cabdi xasan cawaale Qayb diid  ayaa waxaa uu ka hadlay Weerara Shalay lagu qaaday isga iyo Dad Ajaanib ah oo la socday Waxaana uu sheegay in Koox Burcad Badeed Soomaali ah oo ku sugneyd  Hobyo ay Weerar ku Soo Qaadeen Markii uu tagay  Magaalada uusana Garaneyn Sababaha Rasmiga ah ee Ka Dambeysa .

 

Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa uu sheegay in Magaalada hobyo uu ka arimiyo  Maamulkiisu isla Markaana aysan Jirin Cid ku Qabsan karta Maamulka Magaalada waxaana uu ka digay Dhibaato ka dhalata maamulka Hobyo.

 

Dhinaca kale Axmed Baasto oo ah Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in Arintii shalay dhacday ay ahayd Mid laga leeyahay Dano Gaar ah waxaana uu ugu Baaqay dad uu ku sheegay in ay baahinayaan Hadalo Colaad dhalin kara in ay joojiyaan oo aysan Dhibaato abuurin isagoo isna dhankiisa Carabka ku adkeeyay in maamulak hobyo  uu yahay Mid Galmudug hoos taga .

 

Shalay ayaa magaalada hobyo waxaa ka dhacay Iska hor imaad kooban oo dhex maray Ilaalada cabdi Qaybdiid iyo Kooxo la sheegay in ay Burcad badeed ahayeen  in Kastoo maamulka Xman iyo Xeeb uu sheegay in Ciidamadooda  uu Cabdi Qaybdiid weerar ku soo qaaday.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

NAGU SOO BIIR LIKE KU DHUFO